SNA RADIO – Telegram
SNA RADIO
20.4K subscribers
1.99K photos
204 videos
4 links
Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida
Download Telegram
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay inta u dhaxaysa deegaanada Ceel-boon iyo Buurdhuxunle ee gobolka Bakool.

Howlgalkan oo ahaa mid si xeeladeysan loo fuliyay, ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Xuseen Macalin Xasan, magaciisa afgarashadiisa khawaarijta Magaalabeen.

Horjoogahan la dilay ayaa katirsnaa khawaarijta muddo ku dhow 15 sano, isagoo kasoo shaqeeyay dagaallo iyo falal lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool iyo Gedo.

Dilkiisa ayaa qeyb ka ah howlgallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan kooxaha Khawaarijta, kuwaas oo cadaadis xooggan lagu hayo guud ahaan dalka.
20🙏3
👍1911👏2💯1
🔥25👍1311💯3👏2
43👍6😁5💯2
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Aussom ayaa xalay weerar qorshaysan ku qaaday beeraha Beeynax oo hoos yimaada deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarkaasi waxaa lagu dilay laba horjooge oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta iyo laba ka mid ah ilaaladoodii.

Intii lagu guda jiray howlgalka, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen kamarado, doorbino iyo qalab sahamin ah oo ay Khawaarijtu adeegsanayeen.

Guud ahaan, geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa laba jibbaaray dadaallada lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo jab culus lagu hayo cadowga.
39👍22🙏2🍾1