Abaare 8:00 fiidnimo caawa ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka hortagay isku day weerar oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool, meel qiyaastii 8 km u jirta magaalada.
Ciidanka Xoogga Dalka oo helay xogta cadawga oo ahayd dhaq-dhaqaaqa Khawaarijta ayaa si degdeg ah uga hortagay dhagartii ay maleeshiyaadku wadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo sababay khasaare culus oo soo gaaray kooxda.
Inta la xaqiijiyay, ciidamada ayaa dilay in ka badan 10 dhagarqabe, iyagoona gacanta ku dhigay hub ay ka mid yihiin qori nooca culus ee BKM ah iyo AK47.
Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Maxamed Yariis, oo la hadlay warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa xaqiijiyay guusha ay gaareen ciidamada, isagoo sheegay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta dhagarta usoo maleegta shacabka gobolka Bakool.
Faahfaahin dheeraad ah, kala soco Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida.

❤26🎉2😁1🎄1
Ciidanka Xaq-u-Dirirka Deegaanka ee ka howlgalaya degmada Mahadaay ayaa saakay weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Ciid Ciidka Jimbilow, oo ku yaalla duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarka ayaa lagu beegsaday goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana lagu dilay horjoogihii Khawaarijta ee deegaankaas oo lagu magacaabo Muxudiin Xasan, iyo saddex dhagarqabe oo kale.
Ciidanka geesiyaasha ah ayaa sidoo kale soo furtay laba qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale, taasoo muujineysa guul kale oo muhiim ah oo laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

❤6👏1
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulada Waro Mintaaniya, oo 14 kiiloomitir dhinaca Koonfur-bari kaga beegan deegaanka Burjeet ee gobolka Baay. Howlgalkaasi ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta.
Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le Sare Maxamed Yariis Aadan, ayaa warbaahinta ciidamada u sheegay in howlgalka lagu dilay laba horjooge oo muhiim ah oo ka tirsanaa Khawaarijta.
Horjoogeyaasha la dilay ayaa kala ah Horjooge Yaxye, oo loo yaqaan Abuu Khaalid Horjooge Amiir, oo loo yaqaan Shariif, kaas oo dhaawac ahaan u baxsaday balse goor dambe ku geeriyooday hoodkii uu ku dhuumaalaysanayay.
Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu soo furtay saddex qori AK-47 ah iyo laba boosh, halka dhagarqabe kale oo dhaawac ah ayaa goobta ka cararay, isagoo ka tagay qorigiisii.
Taliyaha Qeybta 60-aad CXDS ayaa xusay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, looguna gogol xaarayo ammaan iyo xasillooni waarta oo ka hana qaadda deegaannada gobolka Baay.

❤11💯2🤡1