Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulada Waro Mintaaniya, oo 14 kiiloomitir dhinaca Koonfur-bari kaga beegan deegaanka Burjeet ee gobolka Baay. Howlgalkaasi ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta.
Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le Sare Maxamed Yariis Aadan, ayaa warbaahinta ciidamada u sheegay in howlgalka lagu dilay laba horjooge oo muhiim ah oo ka tirsanaa Khawaarijta.
Horjoogeyaasha la dilay ayaa kala ah Horjooge Yaxye, oo loo yaqaan Abuu Khaalid Horjooge Amiir, oo loo yaqaan Shariif, kaas oo dhaawac ahaan u baxsaday balse goor dambe ku geeriyooday hoodkii uu ku dhuumaalaysanayay.
Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu soo furtay saddex qori AK-47 ah iyo laba boosh, halka dhagarqabe kale oo dhaawac ah ayaa goobta ka cararay, isagoo ka tagay qorigiisii.
Taliyaha Qeybta 60-aad CXDS ayaa xusay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, looguna gogol xaarayo ammaan iyo xasillooni waarta oo ka hana qaadda deegaannada gobolka Baay.

❤11💯2🤡1
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha Macawiisleyda ee degmada Ceeldheer ayaa maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Cawswayne ee gobolka Galguduud.
Hawlgalka oo si xirfadeysan loo fuliyay ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay kooxda khawaarijta ku lahaayeen deegaankaas, waxaana ciidamada la wareegeen kontaroolkii muhimka ahaa ee ay halkaasi ku lahaayeen maleeshiyaadka khawaarijta.
Intii uu hawlgalka socday, ciidamada ayaa khasaare culus gaarsiiyay maleeshiyaadkii khawaarijta ee ku sugnaa halkaasi, iyagoo sidoo kale ka kala eryay deegaankaasi guud ahaan.

❤12💯2