SNA RADIO – Telegram
SNA RADIO
20.4K subscribers
1.99K photos
204 videos
4 links
Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida
Download Telegram
9👏5🙏2
31👏4💯3
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha Macawiisleyda ee degmada Ceeldheer ayaa maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Cawswayne ee gobolka Galguduud.

Hawlgalka oo si xirfadeysan loo fuliyay ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay kooxda khawaarijta ku lahaayeen deegaankaas, waxaana ciidamada la wareegeen kontaroolkii muhimka ahaa ee ay halkaasi ku lahaayeen maleeshiyaadka khawaarijta.

Intii uu hawlgalka socday, ciidamada ayaa khasaare culus gaarsiiyay maleeshiyaadkii khawaarijta ee ku sugnaa halkaasi, iyagoo sidoo kale ka kala eryay deegaankaasi guud ahaan.
14💯3
34🔥7👏3😁1
Horjoogihii hoggaaminayay maleeshiyaadkii Khawaarijta ee saakay weerarka kusoo qaaday deegaanka Wargaadhi ayaa lagu dilay dagaal culus oo halkaasi ka dhacay. Horjoogahaasi oo lagu magacaabi jiray CabdiWakiil ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa hoggaaminta weerarrada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, dagaalkaas waxaa lagu dilay Luqmaan, oo ka mid ahaa horjoogayaasha muhiimka ah ee Khawaarijta, kana mid ahaa horjoogayaasha dagaalka ee ka hawlgala aagga Masaajis Cali-Gaduud, isla markaana ahaa ku-xigeenka horjooge CabdiWakiil. Luqmaan ayaa horey u soo qabtay xilal la xiriira diyaarin iyo fulin falal argagixiso oo waxyeello u geystay shacabka Soomaaliyeed.

dagaalka ayaa khawaarijta looga dilay ku dhawaad 12 dhagarqabe oo Khawaarij ah, oo ay ku jireen horjoogayaasha.
66👏2👎1